Galkacayo(AGGM) Saacadihi la soo dhaafay waxaa gudaha magaalada galkacayo ee xarunta gobolka Mudug lagu toogtey Nabadoon ah oo magaciisa lagu sheegey Nabadoon Faaruuq kaasi oo sida la sheegey dilkiisa ay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysnaa bistoolado isla markaasna ka baxday meeshii dilku ka dhacay.
Alle ha u naxariistee Nabadoon Faaruuq ayaa la shaaciyey in xilligii la tooganayey uu ku sugnaa gurigiisa hortiisa isla markaasna ay kooxo hubeysan weerar gaadmo ah ku soo qaadeen kuwaasi oo rasaas ka haleelay qaarka sare ee jidhkiisa ,rasaastaas oo sababtey inuu markiiba geeriyoodo.
Nabadoonkan ayaa lagu dilay dhinaca waqooyi ee magaalada galkacayo halkaasi oo ay maamulaan Maamulka Puntland,waxaana maalmahan dhinaca waqooyi ee magaalada galkacayo ku soo badanaya weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo nabadoonna iyo saraakisha maamulka puntland ee degaanadasi ku sugan.
Dhinaca kale waxaa magaalada bosaaso isna xalay lagu toogtey sarkaal ka tirsanaa ciidamada dawlada Puntland kaasi oo ay kooxo hubeysani ku toogteen bartamaha magaalada Bosaso isla markaasna ay ka baxsadeen meeshii dilku ka dhacay,xaalada amaan ee gobollada puntland ayaa noqotey meel aan laysku haleyn karin isla markaasna ay lagu beegsanayo dadka waxgaradka ah.
Ma jiraan cid weerarada kala duwan ee dhacaya gobollada puntland loo soo qabqabtey balse waxaa inta badan dilalka qorsheysan ee ka dhaca degaanada puntland lagu eedeyaa Xarakada Alshabaab oo ku sugan qaybo ka mid ah gobollada Puntland gaar ahaan buuraha Galgalga oo ay dhawr jeer ku dagaalameen Alshabaab iyo ciidamada Puntland.
Faarax Xasan Geele
Galkacayo,Puntland
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com