Kismaayo(AGGM) Garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo waxaa hadda soo cago dhigatey diyaarad ay la socdaan saraakiil ka tirsan taliska ciidamada xoogga dalka soomaaliya,waxaana la sheegey in saraakishaasi ay wadaan direyskii ciidamada dawlada soomaaliya ee gobollada jubooyinka iyo mushaharaadkii ka maqnaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay.
Saraakishan ayaa la sheegayaa inuu hormuud u yahay Taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliya Jeneraal Aadan Daahir Cilmi ” Indho Qarshe” waxaana kale oo safarkiisa ku weheliya saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dawlada soomaaliya,waxaana lagu wadaa inuu maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan magaalada kismaayo.
Jeneraal Indho Qarshe ayaa lagu wadaa inuu kulamo muhiim ah la qaato taliyeyaasha ciidamada dawlada ee ku sugan gobollada jubooyinka gaar ahaan magaalada kismaayo,waxaana lagu wadaa inuu halkaas kaga dhageysto arrimihii ugu dambeyey ee magaalada kismaayo iyo baahida ciidamada xooga dalka ee u sugan kismaayo.
Taliyaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyey saraakisha ciidamada Kiiniya ee qayba ah ciidamada Amisom,waxaana la sheegey inay u galbiyeen huteel ku yaala magaalada kismaayo halkaasi oo ay ku sugnaan doonaan taliyaha ciidamada xooga dalka iyo saraakisha kale oo la socotaa.
Arrimahan ayaa imaanayaa xilli uu shalay soo gaarey taliyaha ciidamada dawlada ee gobollada jubooyinka Jeneraal Saalax Makome oo dhawaan xilkaasi loo magacabay,waxaana la sheegey inuu maalmaha soo socda uu xilkaasi kala wareegi doono taliyihi hore ee ciidamada xooga ee gobollada jubooyinka Ismaaciil Saxardiid oo xilkaas dhawaan laga qaadey.
Ugu dambeyntii waxaa arrimahani imaanayaa xilli IGAD ay qallinka ku duugtey in arrimaah jubooyinka looga dambeeyo dawlada soomaaliya taasi oo dhabar jab ku noqotey maamuladii dhawaan looga dhawaaqay gobollada jubooyinka.
Isha Ku hay Allgalgaduud
Kismaayo,Jubada Hoose
Allgalgaduud@gmail.com