Kismaayo(AGGM) Waxaa hadda garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka soo degtey wefti ka socda dawada federaalka soomaaliya,waxaana weftigaasi saaka ka soo duleen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade,waxaana hadda diyaaradii sidey soo cago dhigatey garoonka magaalada kismaayo halkaasi oo ay ku sii sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada soomaaliya.
Wasiiradan ayaa kala ah wasiirka Gaashaandhigga, Midka Garsoorka iyo ka Warfaafinta, waxaana ka haray wasiirka Arimaha Gudaha oo safarkii ay shalay ka baaqdeen ku weheliyay.Waxaan wasiiradda lagu wadaa inay garoonka kulamo muhiim ah kula qaataan Madaxda Ciidamada dawlada soomaaliyan ee garoonka ku sugan iyo Saraakisha xooga dalka ee oo saaka gaarey garoonkaasi isla markaasna maalmihi la soo dhaafey ku sugnaa magaalada kismaayo.
Wasiiraddan ayaa la sheegey inuu qorshahoodu yahay inaysan la kulmin kooxaha ka soo horjeeda dawladda soomaaliya isla markaasna uu ugu horeyo Axmed Madoobe,waxaana la sheegeyaa in Wasiiradaasi Saraakisha ciidamada dawlada iyo kuwa kiiniya ku wareejin doonaan agab mileteri oo loogu tallo galay ciidamada xooga dalka ee ku sugan magaalada kismaayo.
Waxaa weftigan oo shalay baaqday inay yimaadaan Magaalada kismaayo ka harey wasiirkii arrimaha gudaha dawlada soomaaliya Dr Cabdikariin Xasan Guuleed,waxaana la sheegey inuu uga harey arrimo shaqo uu ku leeyahay magaalada Muqdisho,waxaana lagu wadaa in Wasiiradda maanta ku sugan garoonka diyaaradaha marka ay kulankaasi la qaataan Saraakiisha ciidamada kiiniya, kuwa dawladda soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ay dib ugu dulaan magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii Wasiiraddan ayaa lagu wadaa inay saraakisha ciidamada kiinya iyo kuwa dawlada soomaliya kala hadlaan arrimo badan oo ku aadan sidii amaanka wax looga qaban lahaa isla markaasna looga hortagi lahaa cid kasta oo dhibaato ku ah jirintaan shacabka soomaaliyeed iyo amaankooda.
Cawil Salebaan Gurxan
Kismaayo,Jubadda hoose
Isha Ku Hay Allgalgaudud
Allgalgaduud@gmail.com