Beryahan burburka Soomaali dhan walba ka gaaray, waxaa afduub ku qabsaday niman loo baxshay ama la baxay AQOON YAHANNO.
Eray ahaan Maadaama AQOON YAHAN uu aad u dhumuc iyo mug weyn yahay, tilmaamayana qof AQOON badan ama baaxad leh koobay. Sida eraga AFTAHAN, NABADDOON ama ABWAAN ay u tilmaamayaan sifooyin milga leh, oo aan qof walba loogu yeerin, sidaa oo kale ayaan dareemay in eraga AQOON YAHANNA aan qof walba la dhihin karin.
Sidaa awgeed, ayaan ugu magac daray HAL AQOON ama HAL YAQAAN. Eraga hore, wuxuu tilmaamayaa in qofku wax yaqaan, balse, uusan gaarsiinayn AQOON YAHAN. Kan xiga qudhiisu kama foga, wuxuu sheegayaa in qofku wax yaqaanno, balse, labada erayba adeegsigooda waxay kaa dheeraynayaan in aadan marna ku dhicin in aad qof ku tilmaamto wax uusan ahayn, adoon waxa uu yahayna ka qaadayn.
Micnaha, sida HAL ABUUR walba aan ABWAAN loo dhihin, ayaan soo jeedin lahaa inaan HAL AQOON ama HAL YAQAAN kasta loo dhihin AQOON YAHAN. Aan sii jilciyee, waxaa ka dhexeeya labadan eray MACNE GUUD iyo mid GAARA, oo AQOON YAHAN walbaa waa HAL AQOON ama HAL YAQAAN balse, HAL AQOON ama HAL YAQAAN walbaa ma ahan AQOON YAHAN.
Taa kaliya ma ahane, madaama uu qofku waqti iyo wacaal ku baxshay waxbarasho, eraguna noqday eray hirgalay, ayaan isla eragii ka dhalaalshay eray aan ka fogayn macne iyo muunadba, si haddii eray kale loogu woco aan u dhalan DHIMAAL ka daran tan laga digiyey.
Gogoldhiggu yuusan ila gudbine, maansadii HAL AQOON waa tane, shifo ku af saara:
Maansada: HAL AQOON
Aqoontiyo Garaadkiyo
Xiska iyo ogaalkuba
Il ma qabato weeyaan.
Orod iyo Adduun iyo
Awood iyo itaal iyo
Afti laguma heli karo
Uurka iyo laabtiyo
Maskaxduu Ilaaheey
Ku asteeyey garashada.
Ayaan weeye Eebbuhu
Addoomada midkuu rabo
Deeq uu u siiyaa.
Ma ogtahay OGAALkuba
Ilaaheen ayaantuu
Ifka Aadan keenuu
Aqri uu ku yiriyoo
Asmaadiina loo dhigay
Alif iyo illaa ya’
In OGAAL AQOON yahay
AQOONINA OGAAL tahay
Ka ogina AQOON yahan
Kaan AQOON AGNAAN yahay
Igaar yahow ma moog tahay?.
Eeg Samada loo kacay
Adduunyadan cilmigu wado
Dayax oogadiisiyo
Xidigaha agtoodaa
Laga ootay seeroo
Aqal lagu aroosiyo
Ubad lagu korshaayoo
Aariyo macaanloo
Biyo aad ku oon bixi
Umadana ku noolyihiin
Adeeggii Bulshadu yaal
Ma ogtahay Abwaankoow?
Waa aqoonta dunidoo
Isticmaalka lagu daray.
Arartaa gadaasheed
Oraahdayda maantiyo
Aroortan la joogaba
Waxa aan ku eegaa
Arrin aan yaraynoo
Anagoo dhan noo taal.
AFARREEY nin tiriyaa
ABWAAN kuma mutaystoo
HAL ABUURNA lama dhaho
CODKAR iyo AFTAHAN iyo
CURIYUU la Ehel yahay!
AQOON yahan la sheegiyo
INDHEER garad ma joogoo
Indhawaale maan arag
Astaamaha la qeexee
Aas-aaska laga dhigay
HAL YAQAAN iskiis iyo
HAL AQOON ha lagu daro!
Ayaamihii horee tagay
Aabbayaashii degalkiyo
Arladeena hagi jiray
Aqoosheed u duubnaa
Garaan lagu afcelinoo
Marna Xaqa ka iilnayn
Ayaa lagu ammaanay!
Dabadeed Gu’ Aarana
AQOON YAHAN ku sheeg iyo
HAL AQOON ayaa yimid
Isku sheeg AGAASIME
Iyo inuu USTAAD yahay
Odayaashii quursaday
Urduf iyo Acraab iyo
Eber iyo asqaan jirin
U arkaaya Aadmiga
Aafaday abuureen
Abaartii ka dhalataa
Lagu aayo beeloo
Aan laga idlaan wali!
Ardaygii Canshuurtiyo
Xooggii ISLAAMAHA
Odayada XAMAALKA ah
Dugsiyada asaaskiyo
Ku idleeyey Jaamacad
Umaddaan muxuu taray
Ama uuba ugu yaal
HAL AQOONNA ugu yahay?!
Abaartii ayaan hore
Omoskiyo harraadkii
Aafadiyo Ibtiladii
Arligeenu soo maray
Ari iyo Dugaag iyo
Aadanuhu juuq gabay
Intifaac intee le eg
Oohiniyo baroordiiq
Alla bari ha joogtee
HAL AQOONKA Soomaal
Umaddaan muxuu taray?.
Inan yahaw Abaalkii
Uu dadkaagu kuu galay
Isku duubni lagu falay
ISKUULLADA dhammaantood
Nin walboow iskaa iyo
U tar loogu dhax dhigay
Ku Abaabi ubadkoo
Aqoon biiri lagu waday
Tarbiyadda ISLAAMKIYO
Asluubta iyo DHAQANKIYO
IJTIMAACA noloshiyo
EDUCATION Lagu baray
Aaway Aayatiinkii
Ubaxii ay beereen
Araggana u roonaa
Anfacay ka sugayeen?
Adigaa irdheeyoo
UUBATO danleey iyo
YEEY iyo ABEESIYO
ABRIS uga darraaday.
INKAAR qabe inaad tahay
Aan lagu aflixin abid
Iintaadu badan tahay
Agagaas inaad tahay
Ama aad ABOOR tahay
Igu diidi mayside
Umaddaan maxaad tari
Ama maanta ugu taal
HAL AQOONNA ugu tahay?
Kan AQOONTA sheegtee
ARAGTIYO kas maan gala
Ka ARRADAN tusaalaha
Umaddaan muxuu tari
HAL AQOONNA ugu yahay?!
U adeege beeliyo
Abtirsiimo gaariyo
Eex iyo qabiil fale
U arrimiya reer qura
Inta kale ku aaduna
Umaddani halkeey geyn
Oo ku awdi doontaa?!
Afmiinshaar belaayiyo
Ololaha xumaantiyo
Anfariirka dhiillada
Dagaallada abaabula
Marrastiyo Agoontiyo
Maatada ugaarsada
Olol geliya Aadmiga
Umaddaan muxuu tari
HAL AQOONNA ugu yahay?!
Afka Hooyo ruux gabey
Ka irdhoobey hadalkii
Oo ka oomman idilkii
Erayada qalaad iyo
Asaaggii ka doorbidey
Il BAXNIMO u haystoo
Ka ARRADAN midkiisii
CARABIGA ASHIISIYO
INGIRIISKA Mooyee
Hal ABUURKA aan baran
Ama ERAY ABWAANEED
Ararteeda MAANSADA
Iba bixinta SUUGAAN
Odayada muxuu oran
Ubadka uga sheekayn?!
HAL AQOONKA baqa’ee
Hal adayg lahaynee
Sida Aarka gaylamin
Cadowgiisa ka adkayn
Geesiyoon il libiqsayn
Arligeenna Soomaal
Ma ilaalin karayaa?!
HAL AQOON is mahadshoo
Isla weyni iyo tookh
ISIRKIISA quursada
ASALKABA ka faano
Oogadiisa neceboo
Isla liidan Araggoo
Dadku inuu UGAAR yahay
Ama ay ka liitaan
Ku ableeya taladoo
AQOONSIGA dal kale iyo
AWRAAQ ku faanaa
Umaddaan muxuu tari
HAL AQOONNA ugu yahay?!
HAL AQOON ABKIISII
Ka doorsaday AJNABIGOO
U samaystey URURROO
U adeega FARANJIGA
Umaddaan muxuu tari
HAL AQOONNA ugu yahay?
HAL AQOON dhulkiisiyo
XUDUR iyo AFGOOIYiyo
IIMEEY dusheediyo
Oogada Saraareed
Degta ADHI CADDAYS iyo
BALLI HOBAY Agteediyo
UFUROOWYA MUDUG iyo
AFMADAWBA garanayn
WEBIYADA Abraariyo
BADDAN weyn Abbaarteed
Ninka aan Aqoonee
Arag sidey u yaallaan
Maw ARRIMIN karayaa
Ma Astayn karaayaa?!
Aragnaye ma aragteen?
Intaa iyo into kale
HAL AQOONKU weeyaan
Isna waaba moog yahay
Asaaggii ma gaaroo
Anagana dib noo celi
Aayaheennii duugyoo
Maba lihin ayaan wacan!
Mar haddaan Iftiin jirin
Ilayskii dam yiriyoo
Taacliintii la iba xiray
Na anficin Waxbarashadu
Anfariir miyaa dhimman?!
Ardaygii aqoon rabay
Mar haddaynu IILKiyo
Dhulka aan ku AASNAY
Cid Agaasimaysoo
Uurku taalladiisiyo
La og urugadiisaba
Arligeenna lagu arag
AQRISKIINA IIB yahay
Albaabkiina xiran yahay
Agoonkiina ERI yahay
Danyar AYDA loo diray
Aas aaskii uu dumay
Isirkii Waxbarashada
Araggii dam laga dhigay
Ubadkii ASKARI yahay
Yaa eedda loo rari?!
Amakaagga iyo yaab
Arimada naftaydiyo
Uugaabka igu dhacay
La ilmeeyay awgood
Oogada jirkaygii
Ummal uu ku oogsamay!
Af la tolay addimo xiran
Ummad Aakhir sabankii
Illinkiisa joogtoo
Ambatoo asqoowday
Aawadeeda weeyaan!
Dhammaad.
19/11/2012
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com