Muqdisho (AGGM): Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in siyaasada Federaalka ee ku aada Jubooyinka uu yahay mid aan isbedalin oo ay iyagu mar walba lahaan doonaan doorka hogaaminta maamul sameynta heer gobal iyo Heer nidaam Federaal.
Raysalwasaare Saacid ayaa sheegay inaysan waxna iska bedalin fikirkoodii hore iyo qorshihii uu la tagay hada kahor magaalada Kismaayo, isagoona sheegay in maamulka Jubaland iyo kuwa kale ee ismagacaabay aysan aqoonsan doonin.
Raysalwasaare Saacid ayaa sheegay in qorshahooda ku dhisan 5ta qodob wixii khilaafsan aysan iyagu soo dhaweyn doonin ama aysan aqoonsan doonin, isla markaana wax walba oo la qabanayo ay noqdaan kuwo buuxiya shantaasi qodob oo kala ah:
1- Shaqo kasta oo maamul u sameynta gobalada iyo Federaalka ay hogaankeeda ay leedahay Xukuumadiisa
2- Maamulka la sameenayo loo dhan yahay oo aan loo kala badneyn, xaqiijinteedana ay dowlada leedahay
3- In maamul walba oo la sameenayo la waafajiyo Dastuurka Federaalka
4- Hawlkasta oo qabsoomeysa inaysan keenin khilaaf beelaha oo caqabad ku keenta la dagaalanka Argagaxisada.
5- In Door ogaal ah wadamada IGAD laga siiyo sida ay hawlaha u socdaan.
Saacid ayaa sheegay in wax wanaagsan ay usoo wadaan shacabka Jubooyinka, isla markaana ay taageeraan, wuxuuna intaasi raaciyey in xukuumadiisa dajineyso nidaam Road Map ama qorshe ku dhisan shanta qodob ee kor ku xusan oo lagu dhisayo maamul rasmi ah.
Wareysiga Raysalwasaaraha ayaa lagu soo beegay xili ay maanta magaalada Kismaayo gaareen wafdi Wasiiro ah oo ka socda Dowlada Federaalka oo ay ku jiraan Wasiirka Gaashaandhiga, Garsoorka iyo waliba Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/Raysalwasaare-Saacid-oo-sheegay-inaysan-marnaba-aqoonsan-doonin-maamulka-Jubaland-Dhageyso-Horseed-Media.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com