Odayaasha Dhaqanka Soomaalida Ethiopia oo si kulul uga Hadlay Cambaareeyayna u jeediyay faragalinta uu Madaxwaynahooda ku hayo Arimaha Jubooyinka

0

abdi-omar-crying-for-Meles-deathAddis Ababa, Ethiopia (AOL) – Odayaasha Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo maalmahanba joogay magaalada Addis Ababa ayaa waxay dacwad ka gudbiyeen madax waynaha DDSI mudane Cabdi Iley, hadaba odayaashan oo diiday in ay magacyadooda shaaciyaan iskuguna jira qabiilada deegaanka intooda badan ayaa waxay u adkaysan waayeen dhib ay sheegeen in uu ku hayo Madaxwaynaha Kililka 5aad iyo sidoo kale faragalinta iyo taageerada uu Cabdi Iley u fidiyay garab ka mid ah garabyada isku haya Jubooyinka.

Qoraal kooban oo ay soo saareen odayaashani ayaa waxay uga hadlayeen arimo fara badan oo ku aadan arimaha fara galinta uu ku hayo Kismaayo madax waynaha dowlada deeganka soomalida Ethiopia iyo xalada uu hatan marayo deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo dhibaatoyinka uu ku hayeo Cabdi Iley dadka aanan qabiilkiisa ahayn.

Odayaasha Qoraalkan soo saaray waxay cambaarayn kulul u jeedinayaan Cabdi Iley dhibaatooyinka ku salaysan cabudhiska, qabyaalada iyo nin jeclaysiga uu ku hayo shacabka Soomaalida Ethiopia. Sidoo kale, waxay cambaarayn dusha uga rideen dhaqan xumida Cabdi Iley iyo Fara galintan uu ku samaynayo Jubooyinka.

“Hadaanu nahay odayashii dhaqanka Somalida Ethiopia aad ayaan uga xunahay raali galina uga bixinaynaa ninkii aan xilka u dhiibanay in uu faro galiyo arimaha Jubooyinka isagoo dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya Jubooyinka Taageeray una taageeray hab qabiil iyo nin jeclaysi, sidoo kale waxan diidanahay oo aanu kasoo horjeedna in Cabdi Iley isa siiyay kursigii aan u dhiibanay isagoo noqday madaxwayne qabiil iskana ilaabay in xilkan uu u hayo dhamaan qabiilada Somalida Ethiopia oo usan u hayn xilkan reerkiisa oo qudha, sidoo kale wuxuu is ilowsiiyay xaqirayna Cabdi Iley in Jubooyinka ay degan yihiin Qabiilo fara badan oo degan dhanka Ethiopia raalina aynan ka ahayn falkaa uu ku kacay isagoo Shaadhkii dowladnimo xidhan in uu taageero reerkiisa,” ayay yiraahdeen odayaasha.

Odayaasha oo warooda sii wata ayaa waxaa kale oo ay yiraahdeen “Waxaa wax laga xumaado ah in Masuul xilkaas haya in uu isku rogo nin qabiil arinkaana waa mid aanan uga hadhi doonin bahdilka iyo xaqiraada uu ku kacay waxaanu dacwad u gudbinay Xafiiska Raysal wasaaraha Ethiopia iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha Dalka Itoobiya si ninkan talaabo sharciga waafaqsan looga qaado waxanan la kulanay masuuliyiin ka socday labada xafiis cabashadeenina waan u gudbinay si fiicana way noola hadleen waxna meel waan isla dhignay.”

“Hadaan nahay odayaashii,waxgaradkii iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee shacabka soomaalida Ethiopia waxaan umadda Soomaaliyeed haday noqon lahayd Madaxda Dowlada Somalia  Mudane Xasan Sheekh iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Jubooyinka ku nool la socodsiinaynaa  in aanan raali ka ahayn falalkan uu ku kacay madaxwaynihiii aan xilka udhiibanay, waxaan sidoo kale cadaynaynaa Hadaladii ka soo yeeray Cabdi iley in ay ahaayeen hadal iskaga kali u ah oo aanay la qabin shacab waynaha Somalida Ethiopia.

Ugu danbayntii, odayaashani waxaay ku baaqayaan in nabad iyo wada hadal lagu dhameeyo Arimaha Jubooyinka maamulkeedana looga danbeeyo dowlada Soomaaliya.

Odayaasha oo si toos ah baaq ugu diray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka ayaa waxay yiraahdeen “22 sano ayaad dagaal ku jirteen dib u dhac wax aan ahayna kama aanad faa’idin, maantana waxaa la jooga wakhtigii aad qoriga iska dhigi lahaydeen cadowgiinana aad iska qaban lahaydeen ee lama joogo waqti aad isku qab-qabsataan qabiil-qabiil iyo gacansiin shaqsi laga yaabo inuusan dantiina wadin.”

Waa markii ugu horaysay oo ay odayaasha Dowlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia dacwad ka dhan ah fara galinta uu Cabdi Iley ku hayo  Jubooyinka u gudbiyeen Madaxda dowlada dhexe sida Xafiiska raysal wasaraha Ethiopia iyo Xafiiska Arimaha dibada.

Dacwadan laga gudbiyay Cabdi Iley ayaanan la garanaynina waxa ay keeni karto iyadoo maalmo ka hor Wasaaradda arrimaha Gudaha Dalka Ethiopia u digtay Cabdi Iley, digniintan oo ka dambaysay kaddib markii la arkay inuu Masuulkani faraha la galay shaqo aan tiisa ahayn, taas oo ah arrimaha Siyaasadda Gudaha dalka Soomaaliya oo uu dhawr jeer saxaafada ka hadlay, isagoo si joogto ah u farageliyo arrimaha Jubbooyinka looguna baaqay in uu ka gaabsado arrimaha Soomaaliya oo uu uga dambeeyo ka hadalkeeda xafiiska wasaarada arrimaha dibadda.

Odayaashan ka gudbiyay dacwada Madaxa Is maamulka Soomaalida Ethiopia DDSI Mudane Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Ileey) waxay ka kala socdaan qabiilada deegaanka somaalida Ethiopia ku nool, gaar ahaan qabiilada kala ah Jidwaaq, Gadabuursi, Mareexaan, Isaaq, Ciise, Jaarso, Akisho, Hawiye, Gare iyo Gurgure, kuwaasoo maalmahan magaalada Adis Ababa u joogay cabasho qabiil kasta iskii uga cabanayay Cabdi Iley oo awood qaybsigii Kililka 5aad qabiilkiisa kaliya ku koobay deegaankiina ka dhigay deegaan reer kaliya lee yahay.

Wariye Cabdala Ahmed, Addis Ababa/Ethiopia.

Xigasho:Allgedo.com

Allgalgaduud@gmail.com