Kismaayo(AGGM) Wararka hadda naga soo gaaraya Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa shaacinaya in hadda dab aad u xoogan uu ka kacay suuqa weyn ee degmada Baladxaawo,waxaana la sheegayaa inuu dabkaasi yahay mid aad u xoogan isla markaasna sii fidaya,waxaana la sheegayaa in dabkaasi ka kacay goob shidaalka lagu iibiyo.
Goob Jooge ku sugan degmada Baladxaawo gudaheeda oo shabakada Allgalgaduud khadka telefoonka kula soo xiriirey xafiiskeeda magaalada kismaayo ayaa sheegaya inuu dabkaasi sii fidayo isla markaasna dadkii u soo gurmaday inay dabkaasi damiyaan ay wali la tacalayaan inay dabkaasi dambiyaan balse ay u suuro gali ladahay.
Dhinaca kale ciidamada dawlada iyo kuwa Ahlusuna ayaa halkaasi soo gaarey isla markaasna qayb muhiim ah ka ah daminta dabkaasi sidoo kalena ilaalo xoogan ka haya dukaamada kale ee halkaasi ku yaala si aan kooxaha burcadda ahi wax dhac ah ugu geysan,waxaana uu goob jooguhu sheegayaa inuu dabkaasi sii fidayo.
Maaha markii ugu horeysay ee dab noocan oo kale ahi ka kaco suuqa weyn ee magaalada Baladxaawo,waxaana bilihi la soo dhaafay sidaasi oo kale dab xoogan uga kacay suuqa weyn ee magaalada baladxaawo kaasi oo dad badan hantiidoodi ku gubatey isla markaasna ay ku khasaareen.
Ugu dambeyntii ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo hadda la sheegaya inuu dabkaasi geystey inkastoo uu jiro khasaare soo gaarey hanti badan oo dukaamada qaarkood taalay,waxaana laga cabsi qabaa in dabkaasi sii baaho isla markaasna khasaare lixaad leh oo hantiyeed halkaasi ka dhalato.
Iska Ku Hay Allgalgaduud
Kismaayo,Jubbada Hoose
Allgalgaduud@gmail.com