Faroole "Waanu Soo Dhaweenaynaa Qodobadi Ka Soo Baxay Shir Madaxeedki IGAD".

0

faroole1Garoowe (AGGM): Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada xal u helista dhibaatada ka alowsan Jubbooyinka.

Xilli qul qulatooyin dhanka Siyaasadda ah ay ka taagantahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose taasi oo u dhexeysa xubno iyagu isku haya Hoggaanka Maamulka Jubbooyinka ayaa Madaxweynaha Puntland  waxa uu ka hadlay arrimaha haatan ka alowsan Jubbooyinka.

Faroole oo ka qeyb galayay Munaasabad ay soo qaban qaabisay Hay’adda Cilmi Baarista islamarkaana su’aalo lagu weydiinayay ayuu sheegay in Maamulkiisa uu ka xunyahay dhibaatooyinka Siyaasadeed ee ka taagan Gobollada Jubbooyinka islamarkaana uu ka qeyb qaadanayo sidii xal looga gaari lahaa.

Madaxweynaha Puntlanda ayaa dhanka kale soo dhaweeyay qodabadii ka soo baxay Shir Madaxeedkii IGAD ee dhawaan ku soo gaba gaboobay Addis Ababa.

Isku soo wada duuboo Hadalka Faroole ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli xaaladda Gobollada Jubbooyinka haatan ay tahay mid leeysu soo dhawaanayo sida uu sheegay Xildhibaan C/raxmaan Jabriil Xoosh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com