Kismaayo(AGGM) Wararka hadda laga halayo magaalada kismaayo ayaa daboolka ka qaadaya in Xarunta Jaamacada Magaalada kismaayo oo hore shirar uga socon jireen kooxda Axmed Madoobe lagu soo qaadey weerar madaafiic ah,waxaana la sheegayaa in madaafiicdaasi laag soo tuurayo meel aan sidaasi uga fogeyn jaamacadda.
Weerarkan ayaa la aaminsan yahay inay halkaasi ku soo qaadeen Xarakada Alshabaab oo weeraro maalmahan la beegsaneyey xarumaha magaalada kismaayo kaga sugan yihiin ciidamada kiiniya iyo kooxaha tageera Axmed madoobe,waxaana la sheegayaa inay hadda jaamacad ku sugan yihiin Odayaal dhawaan laga soo aruuriyey degaanada u dhaw dhaw magaalada kismaayo kuwaasi oo doortey Axmed Madoobe.
Ilaa 10 madfac ayaa caawa Jaamacada Magaalada Kismaayo lagu qaaday, waxaana telefoonka Line kala xiriirnay goob joogey ku sugan magaalada kismaayo sheegey in m,adaafiicdaasi ay ku dhacayeen xaruntii jaamacadda oo ay odayaal ku sugan yihiin lamana oga khasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi caawa ka dhashay.
Dhinaca kale waxaa wali maalintii 4 aad hawada ka maqan telefoonada magaalada kismaayo gaar ahaan kuwa gacanta laga qaato,waxaana la sheegaya inay wali hawada ka maqan yihiin khadka telefoonadda mobile ku,waxaana lagu wada in maalmaha soo socda la soo daayo khadkaasi.
Si kastey ahaataba Alshabab ayaa weeraro joogto ah ku soo qaada xarumaha ciidamada kiiniya iyo kuwa Axmed Madoobe kaga sugan yihiin magaalada kismaayo gaar ahaan garoonka diyaaradaha iyo Jaamacada oo ay ku sugan yihiin kooxo tageersan Axmed Madoobe isla markaasna degaano kala duwan laga soo aruuriyey.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com