War Deg Deg Ah: Xafiiska Madaxweyne Bare Hiiraale Oo Hadda Qarax Bam Lagu Weeraray

0

breaking-newsKismaayo(AGGM) Waxa hadda Qarax bam lagu wareeray xafiiska madaxweynaha maamulka Jubbaland Bare Aadan Shire ”Hiiraale” Waxaana la sheegaya in kooxo aan haybtooda la aqoon qaraxaasi ku tuureen xafiiskiisa ku yaala nawaaxiga Warshadda hilibka ee magaalada kismaayo halkaasi oo uu ku leeyahay xafiis uu maalintii hawlihiisa shaqo ku wato, Waxaana qaraxaasi ku dhacay meel xafiiska u jirta 80 mitir.

Ilaalada xafiiska ayaa la sheegey inay qaraxaasi oo bam gacmeed ahaa aysan waxyeelo ka soo gaarin,waxaana wararku sheegayaan in ciidamada dawladu ku daba jiraan ciiddi weerarkaasi soo gaysatey,waxaana wararka qaarkood sheegayaan in ciddi qaraxaasi ka dambeysa ciidamada dawladu gacanta ku soo dhigeen walow aan la hubin arrintaasi.

Qaraxan ayaa la sheegaya inuu ku dhacay meel u jirta xafiiska ilaa 80 mitir,waxaana la xaqijinayaa inaan qaraxaasi wax dhibaato ah geysan, ciidamada dawlada ee xafiiskaasi ilaalada ka haya ayaa la shaacinayaa inay rasaas xoogan qaraxaasi kaga jawaabeen iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasaastaasi ka dhalatey.

Ma jiraan cid ilaa iyo hadda sheegatay inay qaraxaasi ku lug leedahay inkastoo ay qayb ka tahay falalka amaan darro ee ka taagan magaalada kismaayo oo ay hadda ku wada sugan yihiin kooxo isku haya siyaasadda gobollada jubooyinka iyo Gedo.

Ugu dambeyntii ma jiro wax wara oo wali ka soo baxay maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha u yahay Col Bare Aadan Shire ” Hiiraale ” waxaana lagu wadaa inay saacadaha soo socda saxafada uga waramaan weerarkaasi xafiiskiisa lagu qaaday inkastoo aan wax khasaare hantiyeed iyo mid bini aadam toona aanay soo gaarin xafiiska iyo waardiyeyaasha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com