Axmed Madoobe Oo Gaaray Magaalada Nairobi

0

Axmed-madobeNairobi(AGGM) Waxaa hadda magaalada Nairobi gaarey Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) oo maanta ka duulay magaalada kismaayo,waxaana la sheegayaa inuu caasuumad ka haley safaarada dawlada Mareykanka ee ku taala Magaalada Nairobi halkaasi oo ay kula kulmayaan Saraakiil ka tirsan ciidamada sirdoonka Mareykanka Iyo Kuwa Yemen,waxaana arrintaasi ka dambeysay ka dib markii dhawaan dalka Yemen ay ka xiratey dooni waday hub oo ka tagtey gobolka jubadda hoose.

Illo Xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Allgalgaduud u sheegey in su,aalo arrimahaasi ku saabsan dawladaha Yemen iyo Mareykanku ku doonayaan inay Axmed Madoobe waydiiyaan maadama saraakiil ka tirsan garabkiisa Raaskambooni magacyadooda laga helay doonidaasi,waxaana lagu wadaa in su,aalihi la waydiiyo dhawaan.

Arrintan ayaa la sheegayaa inay caqabad ku noqon doonto Axmed madoobe iyo kooxdiisa waxaana wararku sheegayaan inay sirdoonka labadaasi dal hayaan cadeymo muujinaya in doonidaasi uu ku lug ahaa raaritaankeeda Axmed Madoobe iyo masuul hore uga tirsanan jirey Alshabaab oo hadda ka tirsan garabka Axmed Madoobe isla markaasna magaciisa lagu soo koobay Shiikh Isxaaq,waxaana la sheegaya in sirdoonka labadaasi dal hayaan waraaqo ay ku qabteen doonidaasi iyo hubkii saarnaa.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey ahayd markii warbaahinta dalka Yemen shaacisay in doonidaasi laga soo raray nawaaxiga magaalada kismaayo Iyo jasiiradda Raaskambooni ee ku taala xeebaha gobolka Jubadda Hoose,waxaana arrintaasi la hayaa cadeynteeda sida wargeyska SABA ee dalka Yemen ka soo uu shaaciyey.

Lama oga saameynta ku yeelan doonto dawlada kiiniya ee tageerta Axmed Madoobe hadii dawladaha Yemen iyo Mareykanku keenaan cadeymo muujinaya in Axmed Madoobe iyo ragga la shaqeeya ay lug ku yeeshaan arrimaha la xirira doonidaasi hubka siday ee dhawaan ka xiratey xeebaha Taiz ee dalka Yeman.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com