Garoowe(AGGM) Mudane Gaani Cali Yuusuf oo ahaa agaasimihii Wasaarada Amniga Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilkaasi iska casilay isagoo sheegey inuu xilkaasi uga tagay shaqo isaga u gaar ahaan jirey,waxaana uu sheegey inuu xilkaasi maanta laga bilaabo uusan hayn isla markaasna Maamulka Puntland u madax banaan yahay inay xilkaasi u dhiibtaan cidii ay doonaan.
Waxaa uu Mudane Gaani sheegey inuu mudo xilkaasi soo hayey isla markaasna uu go,aansadey inuu xilkaasi ka dego isla markaasna uu dawlada Puntland u sheego inuu xilkaasi ka tagey si loo buuxiyo,waxaan uu ku dooday inay si casilidiisa ku tilmaamay hawllo isaga u gaar ah uu doonayo inuu qabsado.
Dhinaca kale waxaa uu Agaasimuhu ku dooday inuu doonayo inuu qabsado shaqooyin isaga u gaar ahaan isla markaasna uu waxbarashadiisii sii dhameysto isagoo sheegey in sanad uga harsanaa jamaacad uu dhigannayey,waxaana uu sheegey inuu xilkaasi qabtey sanadkii 2011 uuna wax badan amniga ka soo qabtey isla markaasna uu u mahadnaqayo madaxda maamulka Puntland.
Dhinaca kale Wararka qaar baa sheegaya in Falaagada Alshabaab ay hanjabaado kulul u soo direen isla markaasna ugu hanjabeen inay dilli doonaan hadii uusan xilkaasi ka tagin,waxaana la sheegey inuu Agaasimuhu xilkaasi uga tagay cabsi ka soo wajahday Alshabaab,waxaana la sheegey inay Alshabaab sheegeen inuu si xor ah ugu noolaan karro degaanada Puntland hadii uu xilkaasi faraha kala baxo.
Sidoo kale iscasilaadan ayaa imaanaysa xilli Maamulka Puntland habeen hore gacanta ku dhigeen Madaxi amniyaadka Alshabaab ee ku sugnaa magaalada Bosaaso,waxaana la sheegey in Alshabaab arrintaasi ku hanjabeen inay ka bixinayaan jawaab kulul iyadoo la sheegayo inay Agaasimaha hadda shaqada ka tagey ugu hanjabeen inay dili doonaan hadii uu xilkaasi sii hayo.
Ugu dambeyntii maahan masuulkii ugu horeyey ee hanjabaad Alshabaab xilka uga taga iyadoo maamuladda inta badan degaanada Soomaalida ka jira Alshabaab dartood shaqada uga tageen masuuliyiin badan ka dib markii ay hanjabaado u soo direen,waxaana lagu wadaa in maamulka Puntland Masuul kale xilkaasi u magacaabo dhawaan.
Isha Ku Hay Allgaduud
Allgalgaduu@gmail.com