Muqdisho(AGGM) Kulankii todobaadlaha ahaa ee ay Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudoomiyeyaasha gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanku yeelan jireen todobaad walba maanta oo kale ayey kaga hadleen sida uu Golaha Shacabku u gudan karo howlaha horyaala mudada ka harsan xeritaanka Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka.
Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Gudoonka Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominayey Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana saacadaha uu socday ay Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanku isla eegeen sida ugu haboon ee Baarlamaanka uu u gudan karo howlaha horyaala
ayadoo lala jaangooynayo waqtiga ka harsan Kalfadhiga Labaad.
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux)ayaa intii uu kulanku socday waxa uu ka hor aqriyey ajandiyaal ay Xukuumaddu soo gudbisay kuwaasi oo la xiriiray hindise sharciyadeedyada ay Xukuumaddu soo diyaarisay waxaana ay Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudoomiyeyaasha gudiyadu ay isla qaada dhigen sida uu
Baarlamaanku u wajahayo ajandeyaashaasi.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankan oo ka mid ah kulammada ay Gudoonka iyo Gudoomiyeyaasha joogtada ah yeeshaan mar walba looga hadlay dardargelinta howlaha Baarlamaanka iyo mudada harsan sida loo
qaban karo howlaha u haray.
“Golaha Shacabka isaga oo ogsoon iney horyaalaan shuruuc aad iyo aad u farabadan oo dhammaantoodba kasoo gudbay aqrintii koobaad sida uu qabo xeer hoosaadka qodobkiisa 44aad oo ay Xukuumaddu soo gudbisay ilaa hadana gaaraya 9hindise sharciyadeed, 8ka mid ahna uu Baarlamaanku gutay aqrinstiisa koobaad,hal hindise sharciyeedna ay weli u harsantahay aqrintiisa koobaad ayeynu maanta go’aan ka qaadanaynay sidaan u guda geli laheyn aqrinti Labaad, maadaama ay muhiim u yihiin shuruucda shacabka Soomaaliyeed waxeynu go’aansanay in inta bisha ka dhamaaneyso uu Golaha u shaqeyn doono si xiriir ah subax iyo
galab”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka.
Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Gudoonka
Baarlamaanka iyo Gudoomiyeyaasha gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka ay go’aansadeen in laga bilaabo maalinta sabtida ah ee todobaadka soo socda 9ka subaxnimo uu Baarlamaanku u fadhiisto si joogta taasina
looga golleeyahay in Baarlamaanku mudada kalfadhiga labaad ka harsan
uu howlihiisa ku guto.
Ugu dambeyntii Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa aad u ammaanay wadashaqeynta xiligan ka dhaxeysa Baarlamaanka iyo Hay’adaha kale ee Dowladda oo ay Xukuumadda
ugu horeeyso oo iyagu si hufan ugasoo jawaabay u yeeristii Baarlamaanka waxaana u yeeristaasi ay ka dambeysay kadib markii uu
Golaha Shacabku kasoo ogaaday baahida shacabka iyo waxyaabaha ay doonayaan in Dowladda ay qabato oo lagula xisaabtamo.
Todobaad kasta maalinta Khamiista ah ayey Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudoomiyeyaasha Gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanku yeeshaan kulan kaasi oo ay uga hadlaan dardar gelinta howlaha Golaha Shacabka waxaana kulankan uu imaanaya xili mudo kooban ay naga xigto xeritaanka Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka.
—-DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya