Muqdisho, AGGM: Afhayeenka maleeshiyada falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab Cabdi Caziis Abuu Muscab ayaa ka war bixiyay dagaal culus oo maanta ka dhacay jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.
Abu Muscab oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta ku hadasha afka falaagada argagixisada ah ee al Shabaab ayuu waxa uu sheegay inay si toos ah ula wareegeen gacan ku heynta Jaziiradda Kudhaa kadib markii dagaal faraha looga gubtay ay la galeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Afhayeenka xaga howlgalada ee falaagada Al shabaab ayaa wuxuu sheegay inay khasaare aad u culus gaarsiiyeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayna ka dileen 64 maleeshiyo (lixdan iyo afar maleeshiyo) Sidoo kalana ay gacanta uga dhigeen hub, gaadiid dagaal iyo qalab ciidan.
Dhinaca kale Afhayeenka falaagada ayaa waxa uu sheegay intaa ku daray in dhankooda ay ka dhinteen sadax halka uu ku sheegay inay ka dhaawacmeen shan kale.
Isku soo wada duuboo Falaagada Al Shabaab Iyo Maleeshiyada Raaskambooni ayaa labaduba kamid ahaa ururo diimeedyada mayalka adag ee ka dagaalama Soomaaliya islamarkaana isku caqiidana ah, balse waxa kaliya oo ay ku isku maandhaafeen labadan falaago ururo diimeed kooxda gacanta ku haynaysa maamulka deegaanada Jubbooyinka….
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Wareeysiga Afahyeenka Falaagada Al Shabaab…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com