New York (AGGM): Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay in wadamada Africa ay ka taageraan caqabadaha soo wajahaya wadamada qaar, isagoo tusaalo usoo qaatay dalka Jamhuuriyada Africada dhexe.
Isagoo ka hadlayay kulan looga hadlayay amaanka iyo nabadgalyada Africa oo ay marti gelisay dowlada Faransiiska kaasi oo ka dhacay magaalada Paris, ayuu Ban Ki-Moon sheegay in wax badan wadamada Africa isbedel laga sameeyay sanadihii lasoo dhaafay.
“Wadamo badan oo African ah, dhaqaalaha wuu kobcay, dimuqraadiyadu waa la horumariyay, arimaha bulshada, xasiloonida iyo kala dambeysnta ayaa soo laabtay, Africa waxay kusoo laabatay baal cusub oo taariiqda ah”ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.
Sidoo kale wuxuu sheegay in wali ay jiraan caqabado wali ka taagan wadamo ku yaala qaarada Africa kuwaasi oo u baahan in laga shaqeeyo sidii loo xalin lahaa, waxaana waxyaabaha uu sheegay kamid ah, dambiyada lasoo abaabulo, burcad badeeda, isku gudbinta waxyaabaha maanka dooriyo iyo argagixisada isagoo sheegay inay sii kordhayaan.
Dhamaan arimahaasi ayuu sheegay inay kordhaan inay sabab u yihiin daciiftinimada dastuurada u degsan dalalka Africa , xuduudaha iyo sharciga wadamada Africa,.
Banki Moon ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu noqday dal dib u xergeliyay dastuurka qaranka, iyo arimaha maamul goboleedyada, laakiin wuxuu sheegay in wali dhanka amaanka ay ka jiraan dhibaatooyin u baahan in wax laga qabto.
Ugu dambeyn Ban Ki moon ayaa ka dalbaday wadamada beesha caalamka in si qaas ah wax looga qabto xaalada dalka Jamhuuriyada Africada dhexe.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com