Top News: Maamulka Ahlusunnada Konfureed oo Warqad U Diray UNHCR Kana Dalbaday In……

0

ahlusunnaMaamulka Ahlusunna Waljamaca ee Gobolada Konfureed ayaa waxay manta Warqad u direen Hay,ada UNHCR ee ku mashquulsan so celinta 20 kun oo qoys oo ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool kuwaas oo lagu waday in la dajiyo Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo balse hada u war ka soo labtay.

Sida aan ka soo xiganay Masuliyiin ka tirsan Maamulkaasi ayaa waxa warqadaasi lo diray UN ka lagu qoray in Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Konfureed usan rali ka ahayn qaabka howlaha dib u celinta Qoxootiga Somaliyeed ay u wado Hay,ada UNHCR .

Masulka nala wadagay waxaa ku qorna warqada ay Ahlusunna u dirtay UNHCR ayaa waxaa uu sido kale ino sheegay in Maamulka Ahlusunna u UNHCR u sheegay in go,an ka qadashada halka la dajinaayo Qoxotiga ka imanaya Wadanka Kenya u leeyahay Maamulka lona bahan yahay in Hay,ada UNHCR ay uga danbayso Maamulka sida Qoxootigaan lo kala dajinayo .

Masulkaan ka tirsan Maamulka Ahlusunna ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka u diyaariyay Qorshe lagu dajinayo Qoxootigaan Deegano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa una ino sheegay in deeaganada lo qondeyay qoxootigaani aysan ku jirin Dagmoyinka Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere .

Inta Badan Shacabka Gobolka Gedo ayaa waxay maalmahan hadal hayaan Qoxootiga laga soo celinayo wadanka Kenya ee la dajin rabo Gobolka Gedo waxaana inta badan shacabka ay walac ka mujinayaan in Qooxotiga Gobolka lo soo wada aysan ahayn Qooxotiga Gobolka ka soo jeeda .

Guuxa ugu weyn ee dadweynaha Gobolka Gedo ayaa waxaa uu yahay maxaa dadkaan qoxotiga ah lo geyn la yahay deeganada ay ka soo jeedan ee Bay iyo Bakool qaas ahaan deeganada dagan sida Baydhaba , Bardaale, Burhakaba iyo deegano kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com