War Culus: Luuq Indigenous Forum Oo Ka Digtay Qorshe UN-ka Uu 20 Kun Oo Qoys Oo Ka Soo Jeeda Bay Iyo Bakool Uu Ku Deegaamayn Rabo Dagmada Luuq.

0

luuqUrurka ay ku mideysan yihiin dadka daga Dagmada Luuq ee Luuq Indigenous Forum(LIF) ayaa shir u manta yeesheen waxaay si weyn uga dooden Qorshe UN ka iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Bay iyo Bakool ay 20 kun oo qoys oo asalkoodii hore ka yimid Bay iyo Bakool ay degaameyn uga sameyn rabaan Dagmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Ururka (LIF) ayaa waxaa uu ka digay hergalinta Qorshahaan oo ah mid siyaasaded Ujeedkeeduna yahay in Dadka dagan Dagmada Luuq la soo dul dajiyo dad ka badan oo takulayn ka haysta UN ka waxaayna arinkaasi ku sheegen mid aan la aqbali karin.

Luuq Indigenous Forum (LIF) ayaa waxaay UN ka uga digeen Fulinta Qorshahan Siyaasadeysan ee lagu doonayo in Ummad deegaankooda lagu furto waxaayna intaasi ku dareen in hadi dalabkan la Aqbali waayo ay UN ka iyo Qoxootiga Siyaasadaysanba cawaaqib xumo kala kulmi doonan Dagmada Luuq.

luuq

Ugu danbeyn Luuq Indigenous Forum (LIF) waxaay UN ka ugu baaqeen in dadka lo so wada dagmada Luuq lo weeciyo Dagmoyinka Balad Xaawo iyo Doolow ama la geeyo deeganada ay ka soo jeedan dadkaani qaxootiga ah ee Dagmada Baydhabo, Dinsoor Buurhakaba iyo Afgooye oo intaba Nabad ah Amankooduna Amisom iyo Dowlada Somalia ay gacanta ku hayaan.

Gudiga Fulinta Luuq Indigenous Forum (LIF)
Luuqif@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com