Muqdisho (AGGM): Waxaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Cali Hiiraan oo ka mid ahaa majaajilistyaasha Soomaliyeed mudana ku soo dhax jiray warbaahinta Soomaaliya.
Cali Hiiraan ayaa mudooyinkii danbe waxa uu ka howlgalayay TV Unversal waxa uuna qayb ka ahaa Barnaamijka Faliyaha Qaranka oo ay soo tabin jireen fanaaniin iyo majaajilistayaal caan ah.
Maki xaaji Banaadir oo ay Cali Hiiraan Saaxiibo ahaayeen ayaa waxa uu ka warbixiyay geerida marxuum Cali Hiiraan.
Cali Hiiraan ayaa ku geeriyooday maanta Magaalada Muqdisho waxaana tacsi u diray dhamaan fanaaniinta Soomaaliyeed iyo bahda Saxafayiinta Soomaaliyeed .
Majaajilstaha ayaa caan ku ahaa dhoor riwaayadood oo wax ka soo jilay waxaa uuna ahaa nin si weyn dadka u jacal yahiin riwaayadahiisa asaga oo ka mid ahaa shaqaalaha universal TV.
Bahweynta Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa tacsi u diraya dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaana eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay Allaha u Naxariistee Marxuum Cali Hiiraan waxaana ilaahay uga baryaynee in Janadii Fardowsa ahayd uu ka waraabiyo. aamiin aamiin aamiin
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com